Boqorka ayaa saaka kasoo ambabaxay Caasumada Puntland ee Garoowe wuxuuna socdaal kusoo maray Degmada Dangorayo iyo deegaano kale oo u dhexeeya Garoowe iyo Qardho dhamaan deegaanada uu soo maray boqorka waxaa kusoo dhowaynayay Bulsho aad u farabadan oo sita Caleemo qooyan iyo Boorar uu ku sawrianyahay Boqorka.

Boqor Burhaam Boqor Muuse ayaa markii dambe soo gaaray magaalada Qardho waxaana siwayn u soo dhoweeyay Isimada, odayaasha Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhalinyaro, Haween, Aqoonyahano, ganacsato iyo waxgaradkale, waxaana boqorka bulshada reer qardho ay uga hortageen duleedka magaalada.

Boqorka ayaa waxaa losoo galbiyay hoygiisa magaalada Qardho, halkaas oo uu saxaafada kula hadlay ayaa waxa uu u mahaceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay wuxuuna sheegay inay reer Qardho ay dhaqan u leeyihiin soo dhowaynta, Boqorka ayaa sidoo kale ku baaqay in lasoo dhoweeyo lana taageero dhamaan shacabka kasoo barakacay dagaalada dalka Yaman, wuxuuna hadalkiisa ku soo koobay mahadcelin iyo salaan wuxuuna sheegay inuu dib u dhiganayo wixii warbixino ah oo uu kaga warbixinayo safaradiisa.

Isimadii iyo Odayaashii soo dhoweeyay boqorka ayaa dhankooda sheegay inay aad usoo dhowaynayaan boqorka imaashiyihiisa magaalada Qardhana ay faraxgalinayso.

Dhageyso Codka Boqorka:

Daawo sawiradda:

IMG_0003 IMG_0010 IMG_0015 IMG_0018 IMG_0042 IMG_0046 IMG_0050 IMG_0053 IMG_0062 IMG_0073 IMG_0077 IMG_0087 IMG_0111 IMG_0119 IMG_0123 IMG_0125 IMG_9998