Washington:- Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka Hillary Clinton oo ka hadlaysay xaaladda dalka Syria ayaa ka dalbatay xukuumadaha Beijing iyo Moscow in ay u sharxaan shacabka Syria sababta ay uga hor yimaadeen qaraarkii golaha amaanka ee lagu cambaareen lahaa habka xukuumadda Dimishiq ula dhaqmeyso dadka ka soo horjeedo nidaamka madaxweyne Asad.

Sidoo kaleClintonayaa ku eedeysay golaha amaanka in uusan tixgelin rabitaanka shacabkaSyria.

DowladahaChinaiyoRussiaayaa u adeegsaday Vito Power ama diidmada qayaxan qaraar ka dhan ahaa xukuumadda dimishiq kaasi oo dowladaha mareykanka iyo yurubiyaanka ay soo hordhigeen golaha amaanka.

Dhanka kale ra’iisal wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ardugan ayaa ku nuuxnuuxsaday in uu booqan doono toddobaadka soo socda kaamamka ay ku jiraan qaxooti Syria ee ka soo cararay weerarada ciidanka Syria ay ku qaadayaan deegaanada ay ku sugan yihiin dadka ka soo horjeeda  maamulka madaxweyne Bashaar Al-asad.

Ardugan ayaa carabaabay in xukuumaddiisu ay talaabo adag ka qaadi doonto maamulka Bashaar Al-asad, islamarkaana ay ku soo rogi doonto cunaqabatayn aan la shaacin waxa ay noqon doonto.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring