Madaxweynihii hore ee dawlada KMG Soomaaliya Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirkii wadatashiga ee dhawaan ku soo gabagabooyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaana uu ku tilmaamay shirkaasi mid ka duwan shirarkii hore loogu qaban jirey dhinacyada ku lugta leh siyaasada Soomaaliya.

C/laahi Yuusuf oo wareysi siiyey Idaacada ku hadasha afka dawlada ee magaalada Muqdisho ayuu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shirkaasi wixii ka soo baxay ee lagu heshiiyey la meelmariyo.

“I dhageyso waxaan ku jirin, dalalka dariska la ah iyo dalalka kale ee caalamku dano gaar ah ayey Soomaaliya, ka leeyihiin ee adigu sida aad u jeceshay Soomaaliya uma jecla, Soomaaliya xoriyadeeda waqtigii loo baahnaa ee deg degtaa inay hesho looma baahnaa, iyaguna kumaga raacsaana, nin walbana dantiisa & dalkiisa ayuu ilaashanayaa, anagu inaan dalkeena & danahiisa ilaashano saw waajib ma ahan” ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf.

Col. C/laahi wuxuu ka hadey sida ay ula muuqdaan qodobada lagu heshiiyey ee ay ka mid yihiin dhameystirka dastuurka qabyo qoraalka qoraalka oo sanad gudihiis lagu dhameystirayo, amaanka dalka oo la sii ambaqaado hawlaha ay hada xukuumada KMG wado & In tirada Baarlamanka ee haatan gaaraysa 550-ka xubnood la yareeyo isla markaana shir la isugu tago magaalada Garoowe.

“Waxay iila muuqdaan hadii la fuliyo oo aan shakina la galin oo la isku qabsan iyadoo heshiis lagu yahay inta shirka Garoowe lagu qabto sida Xamar loo qabtey wax ALLA wixii loogu tala galay oo Barnaamij ah inta looga hadlo inay Soomaali isku raacdaa waayo Soomaali hadaanay israacin oo iyadu heshiin oo iyadu een, wixii danteeda ah aanay qabsan cid u qabanaysaa ma jirto, taasi mid weeye, mida labaad hadee…Baarlamaankaad wax iga waydiisee shanta boqol & googa’a ah, Baarlamanka intaasi tiro le’eg horta ninka loo sameystey anigu weeyee si fiican ii dhageyso Baarlamankii meesha joogay 275 buu ahaa Internatioanl Community ayaa ku heshiiyey in aniga meesha la iga saaro oo la I casilaa, hade nin ay wateen bay rabeen inay igu badalaan oo wixii ay iyagu yirhaadnaan ka yeelaya , aniguse waan diidayoo waxaan iri anigu dabadhilif ma ihiye dalkeygaan ma u ahaayee ama nala shaqeeya ama walaalayaalow na iska kaaya daaya anagaa waxayaga ka shaqeysanaynee, kani waxba maqli maayaa la yiriye waa nin dhaga adage, nin inna maqlaya si lagu helo hada waan inan ka shaqeynaa, Baarlamankan  jooga ee 275-ta ah ninkan majority (cod aqblibad leh” buu ku leeyahaye ninkii kaloo la tartamaye ka heli maayee ayaa la isku raacay, hadee ragiila rabay in meesha la soo galiyo baarlamaankii hore mid tiro la ‘eg  keensada, anigu wixii la rabey in Sheekh Shariif la doorto inuusan aheyn waan ogahay nin kaluu ahaa laakiin in magaciisa aan sheego looma baahna dadkaan cusub oo la keenay, oo Shacabna soo dooran, oo odayaashaadu soo qoran, oo aan baarlamaanku dooran, oo cidina dooran, oo Shakhsiyaad iskala yimaadeen yiraahneed anna waa iigu jiraa anigu hadeer waan la yaabanahay, siday ku yimaadeen, waaba la yaabanahay ayaan ku leeyahay siday ku yimaadeen” ayuu yiri Cabdulaahi Yuusuf.

“Soomaaliya 550 xildhibaan ma qaadi karto, dhaqaalana uma hayso, ninkii sameeyey 550 xildhibaan, Soomaaliya inay xornimo hesho kuma tala galin baan qabaa anigu” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay in Baarlamanka & Dastuurku ay isku xiran yahay, loona baahan yahay in la dadajiyo dhameystirka dastuurka mudada sanadka ah, isla markaana dawlad goboleedyada dhiman la dadajiyo & xisbiyadii in la ogaalaado, wuxuu sheegay in intaasi hadii aan la helin dawlad rasmi ah oo shacabku soo doorto aanay baxayn oo kumeel gaar lagu jirayo, ayuu xusey ku meel gaar.

Col. Yuusuf oo ka hadlayey sida ay ula muuqato tirada xildhibaanada baarlamanka in laga dhigo wuxuu yiri “Anigu waxaan qabaa baarlamaankii ka horeeyey Maxamed Siyaad Barre  123 buu ahaa, in intii lagu celiyo ma ahan, maxaa yeelay shacabkii inkastoo civil war (dagaal sokeeye) dhacay oo in badan dhimatey shacabkii waa  batey, baarlamanka tiradiisa waxaa lagu jaangooyaa shacabka tiradiisa, shacabka inta tirakoob la sameeyana, anigu hadeer ilaa wa ilaa intaasi ha laga dhigo ma oran karee, laakiin wax suurtagal ah oo koley 200 ka yar 180, boqol iyo sideetan iyo dhawr anigu ma aqoonsanoi” ayuu yiri Yuusuf.

Mar uu ka hadlayey xaalada dalka ayuu wuxuu sheegay in inkastoo dad ay dalka xiligan madax ka yihiin oo ay hawshaasi u taal hadana wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska dayaan qabiilka & dagaalka ay wax wada qabsadaan, wuxuu sheegay in Xamar la yiri Shabaab waan ka baxeen, waxaase uu ku sheegay inaanay bixin oo ay inta hubka qarsadaan ay hadhow shacabka doo dhexgalayaan, isagoo sheegay inay wali haystaan gobolo ka mid ah dalka loona baahan yahay in laga xoreeyo.

Halkan ka dhageyso wareysiga lala yeeshay Col. C/laahi Yuusuf.

Halkan ka dhageyso

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com