C/kariin xuseen guuleed ayaa ku guuleystay doorashadii saaka ilaa haatan ka socotay hoolka shirarka maamul u sameynta gobolada dhexe ee Magaalada Cadaado.

Ka dib cod qarsoodi ah oo la qaaday, waxaa 3 wareeg oo la qabtay wareegii u dambeeyay isugu soo haray Musharax C/kariin Xuseen Guuleed iyo Musharax Axmed Macalin Fiqi,

Musharax Guuleed ayaa helay cod dhan 49 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Axmed Macalin Fiqi uu helay 40 cod.

Inta aysan qabsoomin doorashadan ayaa waxaa loo saadaalinayay in uu madaxweynaha maamulka lagu yigleelayo cadaado noqdo C.kariin xuseen guuleed.