Weerar yahanka kooxda Ac Milan ee kubada cagta ee dalka Talyaaniga Alexander Pato ayaa lagu wadaa in uu uu ka  maqnaan doonaa kooxdiisa ilaa mudda gaareesa 3 usbuuc ka dib dhaawac ka soo gaaray murqaha ciyaartii ugu danbeesay ee la ciyaareen kooxda Sampadoria.

Kooxda Ac Milan waxay cadeysay in weerar yahankeeda uu soo gaaray dhaawac daran, wuxuuna ka maqnaandoonaa ilaa sadax cayaar ee ugu soo horeesa cayaarta ee la cayaari doonaan kooxda Plermo ee sami finalka koobka Talayaaniga (Copa Del Italia intaasi waxaa u dheer laba cayaar ee seria A ee lacayaari doonaan Brescia, Bologna iyadoo ay macquul kulanka kale ee Roma.Weeraryahanka reer Brazil wuxuu sanadkan muhiim weyn u yahay kooxda AC Milan oo iminka hogaanka ku haysa 71 dhibcood iyadoo 6 dhibcood ka sareysa kooxda Napoli oo kaalinta labaad ku jirta halka Inter Milan-na ay ka sareyso 8 dhibcood oo nadiif ah.

C/fataax Mowliid Xaaji
fatahhaji@hotmail.com