Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Manchester City ee England ka dhisan iyo qaranka Talyaaniga Mario Balotelli oo mudooyinkii ugu dambeeyey saxaafada iyo indhaha bulshada caalamka ay soo jiiteen dhaqamadiisa gurucan, qaabka timo jarka, hab dhaqanka xiliga uu garoomada ka ciyaaarayo iyo labiskiisa qaab darada iyo quruxda loogu muransan yahay ayay ka soo yeertey digniin ku aadan in hadii la isku dayo in lagu cunsriyeeyo garoomada Poland iyo Ukraine xiliga ay socdaan kulamada EURO 2012 ee bisha dambe in uu garoomada isaga bixi doono isla markaana uu dili doono qof kasta oo cay kula kaca.

Hanjabaada ka soo yeertey Mario Balotelli ayaa ku soo aadayaa iyadoo wadnaha farta looga hayo in ciyaartoyda madow ay kala kulmaan cunsirinimo garoomada Poland & Ukraine maadama wadamadaasi ay aad ugu badan yihiin taageerayaal shidoolayaal ah oo qaarkood ku taagan yihiin dariiqii Hogaamiyihii hore ee Jarmalka ee dagaalkii labaad ee dunida bilaabay Adolf Hitler kuwaasi oo muujiyey inay beegsan doonan oo aflagaado iyo faraha ula tagi doonaan taageerayaasha wadamada imaanaya dalalkaasi ee asal ahaan ka soo jeeda Aasiya & Afrika, iyagoo sidoo kale beegsan doona dadka Yuhuuda.

Laakiin Mario Balotelli oo isu muujinayey in uu yahay manaxe aan u jixin jixi doonin aflagaado iyo cunsirinimo lagula kaco xiliga garoomada uu ka ciyaarayo ayaa ku bixiyey digniin in hadii lagu soo tuuro qubka Mooska oo loola jeedo danyeer ayaad tahay in uu dili doono oo uu meesha uu joogo ugu tagi doono qof kasta oo qub moos ku soo tuura, isagoo sidoo kale ku bixiyey digniin in uu garoonka ka baxayo ciyaarta oo socota hadii cunsirad lagula kaco.

Balotelli wuxuu intii uu ku soo jirey ciyaaraha kubada cagta uu la kulmi jirey cunsireyn ba’an, iyadoo xitaa qaranka Talyaaniga isagoo xiran shaarkooda uu kula kulmay cunsirinimo taageerayaasha Talyaaniga, kuwaasi oo ku dhawaaqayey “Ma jiro Talyaani Madow” taasi oo ay ula jeedeen in dhalashada Talyaaniga ee uu qaatey aanay aheyn mid ka dhigaysa Talyaani dhalad ah.

Bishii February ee sanadkan ayay aheyd markii ugu dambeysay ee uu Balotelli la kulmay cunsuriyad ka dib markii taageerayaasha kooxda Porto ee dalka Bortuqiiska ay cunisrad ku sameeyeen, waxana xiligaasi uu qayb kahaa kulan kooxdiisa Man City ay la aheyd kooxda Porto, ciyaar ka tirsaneyd Europa League.

“aynu aragno waxa dhaca inta ay socdaan ciyaaraha Euro-da, waxaan filayaa inay na dhaafaan iyadoon wax dhibaato ah dhicin, run ahaantii ma jicli dhibaato” ayuu yiri Balotelli

Sanadkii 2009 xili uu Balotelli uu u ciyaarayey kooxda Inter ee dalka Talyaaniga ka dhisan kulan la laheyd kooxda Juventus, ayaa taageerayaasha Juva waxay kula kaceen cunsuriyad, iyadoo dacwad arinkaasi ka dhalatey lagu xukumay kooxda Juva inay ciyaarto kulan aanay soo xaadirin karin qof oo alabaabada laga oodo taageerayaasha.

Bishii June ee isla sanadkaasi garoonka Roma xili uu ku jiray isdiiriminta kulan loogu diyaar garoobay ciyaarayaha European Under-21 Championships, waxaa cunsuriyad uu kala kulmay taageerayaasha qaranka Talyaaniga kuwaasi oo qubka Mooska ku soo tuuray.

Maxamed-Qadar Isxaaq
SBC International London