Kulan balaaran oo lagu sagootinayo Ciyaartoyda Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Bari ayaa manta lagu qabtay Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso waxaana Kulanka Goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Kan Sports ee Gobolka Bari Waxaana Ciyaartoyda loo rajeeyay inay guul ka soo hoyan koobka Golada Puntland ee Beri ka furmaya Magaalada Garoowe.

Kulanka Lagu sagooyinayay Ciyaryahanada Gobolka Bari waxaa Ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan  oo saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Maamulka Sports-ka iyo ciyaartoyda isaga oo u rajeeyay Dhamaan ciyaartoyda inay guul la taaban karo u soo hoyan Shacabka Gobolka Bari waxaana uu faray ciyaartoyda inay la yimaadaan Kaalin wax ku ool ah.

Gudomiiyaha Sprtska Gobolka Bari Mustafe Majo-Case oo ka hadlay Goobta Sagootinta Ciyaaryahanada Gobolka Bari ayaa sheegay in Maamulka Gobolka iyo Kan degmada Boosaaso ay uga mahadcelinayaan taageerada Balaaran ee ay siinayaan Arimaha Sportska iyadoona uu xusay in xiyaaryahanada ay taagero buuxda ka haystaan Maamulkooda uuna rajeynayo inay guul ka soo garaan CIyaaraha Gobolkada Puntland.

Ciyaaraha Gobolada Puntland oo beri ka furmaya Magaalada Garoowe waxaa ka qeybgalaya 8-da Gobol ee Puntland waxaana Loo qeybiyay Laba Group oo kala ah A iyo B waxaana Group A ka mid ah Xulka Gobolka Bari oo beri lagu furayo kulan ay la qaadan doonan Xulka Gobolka Nugaal.

Xulka Gobolka bari oo manta ka kabaxay Magaalada Boosaaso isaga oo ku siijeeda Gobolka Nugaal Caasimadiisa Garoowe oo kulamadan lagu qaban doono ayaa waxaa ay ciyaartoydu sheegeen inay guul wax ku ool ah ka keeni doonan Bacdamaa Gobolka Bari uu yahay Gobolka Ugu koobabka Badan Ciyaraha Gobolada ee Puntland.

Sawiro Loading…



Casiiso Muuse C/kariin
SBC International Monitoring