Ciyaaro aad u xiiso badan islamarkaana ka tirsan koobka gobolada Puntland ayaa galabta dhacay waxaana galabta wada ciyaarayay gobolada Mudug Vs Sanaag, iyo Cayn Vs Sool

Ciyaarahan oo ahaa kuwo aad u xiiso badan islamarkaana ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u tiro badan ayaa maanta waxaa ka soo baxay natiijooyin dadka qaarkiina ay ku farxeen kuwo kalena ay ka niyad jabeen.

Ciyaarttii hore ee galabta waxay  dhexmartay gobolada Mudug Vs Sanaag  waxayna ku soo dhamaatay guushiina ay raacday gobolka mudug oo 1 gool oo qura kaga raayay gobolka Sanaag.

Waxaa sidopo kale dhacday ciyaarta u dhexeysa gobolada Cayn Vs Sool taasina waxay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday gobolka Sool.

K M Cayuuni
SBC International