Waxaa goor dhoweyd soo dhamaatay ciyaar aad u xiiso badneyd oo ka tirsaneyd koobka gobolada Puntland oo maanta ku furmay magaalada Garoowe.

Ciyaartaasi waxa ay dhexmareysay gobolada Bari Vs Nugaal waxaana ay ku soo dhamaatay 1-2 oo ay guushii ku raacday gobolka Nugaal.

Ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan siweyna loga wada soo qeyb galay ayaa aheyd mid furitaan u aheyd koobka gobolada puntland oo ah kii 6aad ee la qabto.