Waxa goor dhoweyd ka bilaabatay Garoonka Kubada Cagta El Hadj Hassan Gouled ciyaar aad iyo aad u xiiso badan oo dhexmaraysa labada xul waa Xulka Qaranka Wadankeena Soomaaliya Vs Xulka qaranka dalka Itoobiya.

Ciyaarta ayaa waxa ay ku bilaabatay Dar dar aad iyo aad u xoogan waxaana labada dhinac ay muujinayaan ciyaar aad iyo aad u adag islamarkaana weerar iyo weerar celis leh.

Ciyaaryahanada Qaranka Soomaaliyeed ayaa muujinaya ciyaar aad iyo aad u quruxbadan oo weerar iyo weerar celisba leh waxaana ay muujinayaan sidoo kale degenaan iyo ciyaar xirfad aad u sareysa wadata.

Sikastaba ha ahaatee ciyaarta ayaa waxaa goob joog ka ah kumanaan Taageere oo kala taageeraya labada xul, inkastoo la is orankaro taageerada garoonka garoonka El Hadj Hassan Gouled waxaa ku badan Soomaalia.

Ciyaarta iminka waxaa dhamaatay Qeybtii 1aad waxaana ay ku soo gaba gabowday 0-0