Koobka Ciyaaraha naadiyada Yurub ee Champion legue ayaa caawa la ciyaaray waxaana Cawa Ugu Xiisa badnaa ciyaarihii dhacay Kooxda Man Utd Ayaa waxaa ay garoonkeeda ku qaabishay kooxda Barga waxaana ciyaarta qaybtii hore hogaanka u hayay kooxda Braga oo muuqatay inay ka awood badnaatay Utd balse waxaana qaybtii hore ciyaarta hogaanka hayay Braga 1-2,markii la isku soo noqday ayaa waxaa isbadal laga arkay Man oo Ugu badashay kooxda braga 3-2 oo guusha ay ku raacday Man Utd.

Waxaana xidiga caawa ciyaarta qaatay Harnandez Oo dhaliyay laba gool oo ka mid ah goolshada kooxda Man Utd ku badisay waxaana Groupkaas haya Manchestar Utd Ciyaarta ayaa xamaasad lahayd markii hogaanka ay heysay kooxda braga oo ku raaxeysatay qaybtii hore ee ciyaarta.

Well,ciyaaraha kale ee caawa dhacay waxaa ka mid ahaa kooxda Chelsea waxay kulan adag la qaadatay Naadiga Shakhtar oo ka dhisan dalka Ukrain waxaana la joogay garoonka kooxda Shakhtar ciyaarta ayaa waxaa laga tirtiray Chelsea waxaana Taas laga arki karaa Qaybtii Hore ee ciyaarta ayaa Chelse laga dhaliyay Laba gool oo is xiga kalana qurux badan waxaana lagu kala nastay 2-0.

Markii la isku soo noqday waxaa la arki karay Chelsea oo isku dayday in ay keento Golal balse difaaca kooxda Shakhtar ayaa waxaa ay diffaacanayen goolasha labada ah ee ciyaarta ay ku hogaaminayeen ciyaarta markii ay mareysay gabagabo ayaa Oscar u dhaliyay Chelsea Goolka Calanka waxaana ciyaarta ku badiysay Kooxda Shakhtar 2-1 guuul daradan Chelsea waxay uga dhigan tahay Mid Xun maxaa yeelay Hada Waxaa u taala shaqo badan waxaana ay heysta Hal badis.

Barcelona Caawa waxaa Dhuunta u gashay oo Dhaq-dhaqaaq u diiday Kooxda Celtic oo marti Ku Ahayd Camp New waxaana Qaybtii Hore ee ciyaarta la arki karay ciyaartoyda Barcelona oo is waayay O midba meel Ordayo waxaana ciyaartoyda Celtic u suuto gashay in ay la yimaadan Gool Qurux badan Qaybtii Hore ee ciyaarta taasi oo hogaanka u dhiibtay Muddo Daqiiqado ku siman qaybtii hore ciyaarta Celtic Balse Iniesta ayaa ka soo dhexqaaday daqiiqadii ugu danbeysay ee Qaybtii hore ee ciyaarta waxaana lagu kala nastay qaybtiihore ciyaata 1-1 Ciyaaryahan Alpa ayaa mar laga samray Guul waxaa uu Niyada Taageerasha barcelona kor u soo qaaday Daqiiqadii 90 ee Dhamaadkii ciyaarta.

Kooxda Munchen ayaa hal gool ku dardartay Lille oo dalka France ay ku booqatay waxaana Goolka kaliya ay ku badisay uu ahaa Gool ku laad ama Recore uu laaday Xidigooda Muller waxaana ciyaarahani dhamaantood ay ahaayen Ciyaaraha Koobka Champion Legue waxaana jira Ciyaaro kale oo habeen danbe dhici doona.

Sawiro




Mohamed Abdirashiid
SBC International Nairobi Kenya