Waxaa soo gaba gaboobay Ciyaaraha ka tirsanaa Koobka gobolkada Puntland oo u dhaxeysay gobolada Karkaar Vs Nugaal. iyo Bari Vs Haylaan

Ciyaarahan ayaa aheyd mid aad  u xiiso badan Taageerayaal aad u tiro badana ay ka soo qeyb galeen, iyagoona kala taageerayay labada goboladas .

Ciyaarta hore ayaa waxaa ay guushu ku raacday kooxda gobolka Nugaal oo 2 iyo 1 kaga badisay Karkaar.

waxaa iyana dhacday Ciyaarta aadka u xiisaha badneyd ee la wada sugayay waa gobolka Bari Vs gobolka Haylaan, waxaana ay iyadu aheyd ciyaar aad u adag, iyadoona ugu dambeyntii ku soo dhamaatay 1-1 bar bar dhac