Xaflad balaaran oo lagu soo gabagaynayey ciyaaro saaxiibtinimo oo dhexmarey kooxo ka socda Jaaliyadaha Soomaalida ee wadamada UK & Talyaaniga ayaa lagu qabtey magaalada Firenze ee wadanka Talyaaniga waxaanka ka soo qayb galey xildhibaan Dr Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle)  oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliyeed isagoo la  lakulmay bahda isbootiga  Firenze ee wadanka Talyaaniga  kulankan  ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa jaliyada Talyaniga Dr Cusmaan Joon iyo jaliyada UK iyo madaxa ururka mideynta isbotiga qurba joogta Soomaliyed  ee UK, Axmed  Max’med Xashi (Seyga Ruushka) iyo gudoomiya ku xigeenka  qurba joogta Soomliyeed Cabdulqadir  iwaxaana lagahadalay qiimaha isbortiga  uleyahay.Sidoo kalo waxaa  amaan balaran loo soo jeediyay guddoomiyaha jaliyada Soomalida  ee  Talyanaiga  Dr Cismaan Joon oo ahaa musuulkii  martigaliyay tartankani in uu ku qabsamo dalka Talyaniga  garhaan magalada Firenze ee bartamaha dalka Talyaniga.

Waxaa halkasi sidoo kalo loogu hadalay qiimaha isbootiga uu leyahay iyo safarkii jaliyada UK ee ku soo gareen dalka Talyaniga iyo kulamadii ay laqateen  ciyaryahanda qurbajoogta Soomaliyed  ee ku nool dalka Talyaniga.“Tan ayaa waxaa ay sanadka dambe ay noqon doontaa  suuqyo laga ibsado ciyaryahanada Somaalida  waxaa ayna sahli doonta sharafta iyo karamada uu yeelanyo ciyaaryahanka marka laga soo badhigo shashadaha caalamka “ sidaasina waxaa yiri madax mideynta ururka qurba joogta Soomaliyed Faysal Cabdulahi oo kulankaasi goob jog ka ahaa.

Waxaa kulankasi  ka soo  qeyb galay sidoo kale Yuusuf SSPA media oo asagana ahaa fadhigiisa dalka UK oo halkasina ka hadalay sheegayne in uu isbortiga u yahay isdhaxgalka bulshada loona bahanyahay in la wareejiya  kulamadasina martigalinteeda lana geeya dhaman gobalada dalka Talyanaiga oo idil.Wariye kas ocday Telefishinka Universal u qaabilsan dhanka ciyaaraha Cabdinasir Ismaciil (Solo) oo ahaa isaguna  ka mid ahaawariyashii soo garay dalka Talyaniga mudadii tartankani ka bilaamay maagalada Ferenze.

Waana mar kii ugu hreysay ee ciyaro  saxiibtinimo  ee wada yeshtaan  Jaaliyadaha UK iyo jaliyada  Soomaalida ee dalka Talyaaniga halkasoo ay wacdro ay ku so bandhigen ciyaartoydii ka socotay UK.

 Ciyaarahasi ayaa waxaa ay  a haayen kuwo si weyn loogu riyaaqay dawashadeeda  mudadii ay socoteen ciyaarahaasi.

Dr  Xildhibaan Dufle oo ahaa masul ka socda Dawlada KMG ah ayaa asaguna amaan baalarani u soo jeediyay  Seyga Ruushka oo uu ku amaanay dadaalkiisa & kaalintiisa horumarinta isportiga Soomaaliyeed gaar ahaan kan qurbaha.“Waxaynu wada ognahay  in  isbortiga uu yahay isdhagalka bulshada  loogana bixi karo khilaafka ka jira gudaha iyo dibada ee  dhilinyarada noqotey kuwa loo adeegsado burburinta dalkooda hadaba madama aynu  joogno wadamo ku horamaray dhanka nabda iyo tiknolajiyada  anaga maxaa inala gudboon  sow ma haboona anagana in aan wax la qeybsano asageena”  sidaasina waxaa yiri mid ka mida ahaa musuuliyintii ka soo qeb gasahay kulankaasi sagootinka ahaa ee lugu sogootinayay masuuliyintii ka socatay jaaliyada UK iyo ururkii mideyta qurba joogta Soomaliyed oo fadhigeeda yahay dalka UK.

Cabdulqadir isoomaarey oo  ahaa asagana musuul ka socaday ururka mideynta qurba joogta Soomaliyed ayaa waxaa uu sheegay in laga dhigayo  mid waregayo tarnakani isla markaana uu gaari doono dhamaan gobalada dalka Talyaniga marti kalintiisa.

“Waloow hada ay ka soo qeyb galeen sadex gobal oo ka tirsan wadan ka Talyaniga laakiin hada waxaan ku baahin doonaa dhaman gobalada dalka oo idil ee Talyaniga sidasina waxaa sheegay cabdul qadir isoomarey.

Bashiir Jiidaal Barow
BASHKA XAJI JEYYO
Jiidaal114@hotmail.com