Waxaa muddooyinkii ugu danbaysay kasoconayay  magaalada Garoowe tartankaxaafadahadagmadagaroowe kaasi oo ay ka qaybgaleen 8 da xaafadood ee ay ka koobantahay magaalda garoowe ee  caasimada dowlada Puntland.

Tartankaani ayaa ka soconayay ka garoonka kubbadda cagta ee Mire Awaare tartankaani ayaa waxa uu   ahaa mid kooxuhu ay isku arkayeen hal mar oo kaliya (Knock out)  oo kooxdii laga badiyaa ay iskatagaysay.

Tartankaan xaafadaha ee loogu magcadaray koobka nabadda ee xaafadaha magaalada garoowe  ayaa lasoo gabagabeeyay,waxaana ciyaartii kama dambaysta ahayd ay dhexmartay  xaafadaha Horseed iyo Wadajir waxaana 2-1guushu ku raacday xaafadda Horseed, labada xaafadood ayaa ciyaar wanaagmujiyay,iyadoona  ciyaartu ahayd mid weerar iyo weerar celis ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1oo ay ku  hogaaminaysay xaafada Horseed waxaana weerar xoogan soo qaaday qaybtii danbe ee ciyaarta xaafada wadajir oo doonaysay inay iyada guushu raacdo balse waxaa ganafka u daruuray difaaca kooxda Horseed oo ay daris yihiinxaafada wada jir .

Ciyaarta ayaa kudhammaatay waqtigii loogutalagalay 2-1 oo ay guushuku raacday xaafada horseed  ee magaalda garoowe

Waxaana xiritaankii ciyaartan ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cayaaraha iyo dhallinyarada, Duqa Degmada Garoowe, Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Puntland Xaaji Cabdillaahi (Cawiif), Guddoomiyaha  Sportiga ee gobolka Nugaal iyo masuuliyiin kale oo lagu casumayka  qaygb galka xafaldan.

Wasiirkuxigeenka wasaarada ciyaaraha, dhallinyarada , shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada Puntland Mudane Saciid Daahir Qodax ayaa waxa uu mahadnaq ballaaran ujeediyay dadkii soo qaban-qaabiyay ciyaarahan oo uu sheegay in ay yihiin ciyaaro muhiima oo ka qaybqaadanaya isdhexgalka, isbarashada dhalinyarada iyo waliba dhanka ammaanka oo dhalinyaraddu ay kaga jeesanayaan waxyaalo ammaanka wax u dhimikara.

Duqa Caasumadda Garoowe Mudane, Cabdicasiis Nuur ayaa waxa uu sheegay in ay dhiirigalinayaan ciyaaro dhankasta leh oo la doonayo in kor loogu qaado ciyaaraha gobolka, wuxuuna ammmaan u soojediyay dhalinyarada ka qaybqaadanayay xaafadaha magaalada oo uu sheegay in ay si asluub ah u cayaareen intii uu tartanku socday.

Maamulaha Cayaaraha gobolka Nugaal oo si wayn uga dhexmuuqday qabanqaabada iyo hirgalinta koobkan ayaa waxa uu sheegay in  uu aad ugu faraxsan yahay sida wanagsan ee koobka xaafadaha ee loogu magacdaray koobka nabadda ku soo dhammaaday, wuxuuna balan qaaday in ay joogtaynayaan koobabka noocaan oo  kale ah.

Qabashada koobka Nabadda ee xaafadaha Garoowe ayaa waxaa iska kaashaday Dawalda hoose, maamulka cayaaraha iyo Wasaaradda Cayaaraha, mudooyinkii ugu danbaysay waxaa muuqanaysayinay xiisaynayaandhallinta ku dhaqandeegaanada puntland ciyaarista iyo daawashada kubbadda cagta iyadoona ay ahayd dhawaanta markii lagu  soo gabagabeeyay magaalda garoowe tartankii  dugsiyada sare ee deegaanda puntlad, wasaarada ciyaaruhuna waxa ay wadaaa dadaalo xoogan oo lagu  xoojinayo arrimahaasi.

 DAAWO SAWIRADA

Yuusuf Maxamed Maxamuud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe Nugaal