Dalka Talyaaniga ayaa waxaa mudu  asbuuc ka socday ciyaaro aad u xiisa badan  oo udhaxeyay  jaliyadaha kala dhisan dalalka UK iyo Talyaaniga tartankasi ayaa waxaa loogu magacdaray isboortiga qurba jookta  Soomaliyeed.

Ciyaarahasi oo ahaa ku xiiso badan waxaa kasoo qeb galay dadweyne badan oo xiiseya isbooriga  halkaasoo ay wacdaro ay ka muujiyeen ciyaryahanadii  ay soo safeen jaliyadaha kala socaday dalalka UK  iyo Talyaaniga.

Ciyaartii ugu horeysay  ayaa waxaa fooda isdaray jaliyad UK iyo kox ka socotay dalka Talayaniga oo aheyd ciiyar saxiibtinimo waloow ay marti galisay jaliyada Soomaliyed ee ku nol dalka Talyaniga halkaasi ay wacdaro isboorti ay kasoo  sareen nadiga ka socaaday jaliyada UK ciyarata mar kuu garsooraha Weerow  uu seriga kudhaftay  ayaa waxaa ay bilaabeen ciyaryahanda kasocady Talyaniga in ay mujiyaan dardar   eyna banooniga ayaga mamulaan  ayaa waxaa ay lugata ugashay   ciyarhanada kasocday jaliyada UK durba waxaa ay saxiixeen gool wacdaro leh  halkasoo ey ku niyajabeen  nadigii Talayaniga qebtii hore ciyarta ayaa waxaa lugu kalanasatay 3 iyo 0, oo ay guusha ku hogaminaysay nadiga jaliyada UK.

Markii la isku soo laabtay ciyaartii ayaa ay hadana ku weraren halkoodi nadigii Talyaaniga  ciyartii ayaa waxaa ay ku soo gaabagaboodaay lix iyo ebar oo ay guusha ay ku raacday naadiga  UK.

Maalinti labaad ayaa waxaa is haleelay jaliyada Soomaalida ee ka dhisan talyaniga  iyo jaliyada UK waxaa ayna aheyd ciyaar aad u xiisa badan waxaan ay ku soo gabgabooday 7- 0 oo ay guusha ku racday naadiga jaliyada UK.

Maalintii  sadaxaad  ayaa ciyaar aad u xiisabadan ayaa waxaa iskaga hor yimid jaliyada Milaano  ka dhisan  ee dalkaa Talyaaniga waxaa ay is heleen jaliyada ka dhisan Tuskano magalada Firenze ee dalka Talyaaniga waxaa ayna aheyd ciyaar aad loo wada jecleystay dawashadeeda   ayna  sooban dhigeen labada koox ciyar wanaagsan,  Waxaana ay kusoo gabgabowdaybar barbar dhac 0-0.

Ciyaaratii ugu dambeysay ayaa waxaa is helay jaliyada UK  iyo jaaliyada ka dhisan Talayaniga waxaana  lugu dur duriyay Jaaliyada Talyaniga ayadoo loo diray bastada  in ay si fiican uso cunaan.

Ugu dambeyntii  ciyaarahasi ayaa waxaa qiimeyn balaaran  sameenayay madaxdii isboorti ee ka soo qebgalay ciyaarahaasi waxaana ka mid ahaa C/qaadir Soomarey oo ahaa gudoomiya ku xigeenka  diyasbarad ama qurba jookta Soomaliyeed  iyo gudoomiyaha qurba joogta Axmed Nuur Faarax (Seygaa Ruushka) oo ahaa musuulkii markasi watay wafdigii balaarnaa ee soo gaaray daalka Talyaaniag ciyaaro saxiibtinamana la yeesha jaliyadaha ka dhisan gobalada dalka Talyaaniga.

Mar aan la dhaxmar meykarafoonka dadweynihii u soo dawashada tagay ciyarahaasi ayaa waxaa ay ii sheegeen in ay ad ugu qancsan yihiin ciyaarihii halkasi ka dhacay iyo sida loogu badiyay jaliyada Soomalida ee ku dheleysay magaca  gobalka tuskano oo aheed halkii martida  logu ahaa.

Gudoomiyah qurba joogta Isbortiga Soomaliyed Seyga Ruushka ayaan asagana waxaan wey diiyay dhowr su’aal oo ku adan tartamadan waxaa u iishegay in ay siil abalabayaan tartamada ceynkani oo kala ah isboortigana uu yahay isdhax galka bulshada isla markaana caafimaad u sii dheer yahay.

Sayega waxaa kaloo uu sheegay in haatan ay jecelyihiin  inay qeybah isbortiga uu ka kooban yahay in an ku soo darno sida basket ball-ka , boodada, orodada marathon-ka  iyo wax walibo oo isboorti ah ee ay bulshada ay cafimaad ka heli karto.

“ Waxaan kaloo mustaqabalk dhow ku hami weynahay in aan ciyaaro saaxiibtinimo  in aan u tagno qarada  Afrika anagoo mar horaba utagnay wadamo ka mid ah qarada afrika kana soo hooyinay guulo wax ku ool ah  sida aan hadaba  aan ugu soo hooyinay guulo” ayuu yiri   halkani sidasina waxaa yiri gudoomiyah quba jooga Isboortiga soomliyeed Axmed Nuur Seyga Ruushka.

 BASHKA XAJI
Jiidaal114@hotmail.com