Ciyaaraha Isdhex-gelka Dhalinyarada Somaliyed ee Finland oo La Qabtay+Sawiro

Ciyaarahan oo ahaa ciyaaro loogu talagalay in ay isku arkaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee wadanka Finland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Odaasha Degmada Espoo ee dhinaca Sportska, Ciyaartooyda waxay ka koobnaayeen 8 koo xood oo kala socda Helsinki,Vantaa iyo Espo.

Xilli Qoraxeedka ayaa had iyo jeer la qabtaa ciyaarahan. Si dhalinta Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay ku bixiyaan Enerjigooda ama ay isku bartaan .

Ciraatooyda ayaa ka koobnaa 8 Kooxood iyagoo Dhamaan 8 kooxood oo soo bandhigay ciyaar wanaag, waxayna isugu soo aadeen sidatan

1-FC-Sahan iyo FC-Lohko B
2-Myrymaki iyo FC- Kanus B
3-FC-Kanus A iyo FC- Kilo
4-FC-Matinkyla iyo Helsinki
Samafinaalkii ayaa waxaa isku soo hay Afar kooxood
1-FC-Espoo iyo FC- Myrymaki 5-3
2-FC-Kanus iyo Helsinki 2-0

Ciyaartii ugu danbaysay ayaa isku soo haray Labada Kooxood oo kala ah

1- FC-Espoo iyo Kanus oo ku kala badiyay rogoore 4-2

Ciraatii ugu danbaysay waxay ku soo dhamaatay barbardhac iyadoo markii danbe loo qabtay Rigoore .FC-Espoo ayaa rigoorihii ku keensatay 4 halka FC-Kanus ay keensatay 2 iyadoo guushii ay raacaday FC-Espoo oo kubadisay 4-2

Itii ciyaaraataasi lagu guda jiray,  gudiga garsoorka  waxay isku raaceen gool hayihii ugu fiicnaa in uu ahaa Nuur Shactiir Jaamac oo ka mid ah kooxda FC-Espoo, iyadoo kaalinta labaad ay gashay Fc-Kanus halka kaalinta sadaxaad ay u soo gudubtay Fc-Myrymaki

Ciyaarahan waxaa soo  Qaaban qaabiyay Odoyaasha Espoortska Espoo
Guddoomiye Cabdi-xakiin Cali Cismaan
Cabdi Axmed Cali ( Fitig) oo ka mid ahaa ciyaartooydii Kooxda Waxool
Cabdullaahi Maxamed Abanuur
Caamir Ikar Nuur
Cumar Ikar Nuur
Cabdi-fitaax Cali Cabdi-guul
Maxamed Jaamac Ganeey

Dadweynihii ciyaartaasi daawanayay ayaa u riyaaqay sida wanaagsan ay Kooxaha u soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo sida gudiga soo agaasimay ciyaartani aya uga soo shaqeeyeen sida habsamida ah iyadoo ay ku soo idlaatay jawi heersara, ah waxaana Koox kastaahi ay ku qanac sanaayeen sida wax loo maamulay.

Sawiro






Mohamed Bashiir-INFO
Helsinki-Finland

Daalacatey :1030

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print