Ciyaar lagu maamuusayey maalinta   dhalinyarada aduunka oo ku beegnayd shalay ayaa lagana xusay guud ahaanba caalamka  waxaana lagu qabtay Garoonka kubada cagta ee Mirre Awaare ee magaalada Garoowe, Waxana ku kulmay labada kooxood oo heerka  kowaad ah oo kala ahaa kooxda SBC iyo kooxda  dowlada hoose ee  degmada Garoowe ciyaartan oo ay ahayd ciyaar aad u xiiso badan ayaa waxaa ka soo  Qayb galay masuuliyiin ka socotay wasaarada shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha  ka hor inta aysan bilaaban ciyaarata ayaa agaasimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha axmed xasan bille ayaa usheegay in labada kooxod ee nasiibka uyeeshay in ay ciyaaran munaasabada looga baahan yahay in ay mujiyaan  ciyaar saxiibtinimo leh oo xirfadeedu sarayso guushuna aytahay kooxda nasiibku raaciyo

Intaas ka dib ayaa ayaa kubada labaasay iyadoo labada koxoodna ay soo bandhigeen  ciyaar  xirfadeedu sarayso oo ku dhisan weerar iyo weerar  celis iyadoo  garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayey uu isku dayey in xakameeyo khaladaadka ciyaarta dhexdeeda ka dhacayey qaybtiii hore ee ciyaartu waxay ku soo idlaatay goolal la.aan  iyada oo qaybtii dambe ee  ciyaartu markii ay bilaabatay waxaa labada kooxoodba la soo baxeen   dhiranaan gaar ah iyada oo ay labada koxoodba soo bandhigeen ciyaar xiiso leh iyada oo  kooxda SBC ay qaaday wareer isdaba joog ah  isla markaana ay lumuyeen    fursado badan oo ay gool ku dhalinkareen halka kooxda dowlada hoose ay ciyaartoodu ku dhisnayd dhanka difaaca

hase ahaate kooxda SBC fursadaha ay khasaariyeen  oo ku doonayeen  in  ay goolal ku dhaliyaan ayaa keentay in ay dhamaantood dhanka wareerka awooda saaran taasna waxay keentay in gool ladaba mariyey difaacooda ay dhaliyeen kooxda dowlada hoose,

Intaasi waxii ka dambeeyey ciyaarta maamulkeeda waxaa la wareegtay kooxda SBC oo soo bandhigtay  ciyaar weerar ku dhisan taasi khalkhalisay difaacyadii kooxda ka soo horjeeday iyada oo dhamaadkii ciyaarta ay sbc dhaliyeen gool siwayn looga soo shaqeeyey ciyaartuna waxay ku soo dhamaatay barbardhac.

Sidaasi darteedana waxaa garsooruhu go.aanshay  in  gool ku laad la  dhigo labada kooxoodna waxay diyaariyeen ciyaartooydii gool kulaadka u laadilahaa  iyada oo goolku laadkiina ay guushu ku raacday kooxdii dowlada hoose ee degmada Garoowe.

 Kadib agaasimaha wasaarada ciyaaraha Puntland Axmed Xasan Bille ayaa guudoon siiyey kooxda dowlada hoose oo ku guulaysatay koobka isagoona kooxda SBC gudoonsiiyey abaal marino isugu jira lacag iyo kubad uu sheegay agaasimihu in ay ku mutaysteen ciyaartii wanaagsanayd ee ay soo bandhigeen

Markii ay dhamaatay ciyaartu ayaan wax ka waydiiyey   agaasimaha tvga iyo idaacada SBC ee xafiiska Garoowe C/naasir Yaasiin Salaad oo ah maamulaha kooxda SBC Garoowe oo ah koox ka tirsan kuwa heerka kowaad ka jira gobolka Nugaal ,C/naasir Yaasiin ayaa sheegay in guuldarada kooxdiisa soo gaartay aytahay mid nasiib ah nasiibtahay isla  markaana  ay kooxdu soo bandhigtay  ciyaar wanaagsan oo dhamaanba qancisay tageerayaasha  kooxda guushuna ay nasiibtahay maadaama gool ku laad looga awood roonaaday.

munaasabadaha noocaan oo kale ah marka la xusayo ayaa sida caadiga ah waxaa  la qabtaa ciyaar lagu maamusayo dhexmarta kooxaha heerka kowaad.

Sawiro

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe