War Qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada Badda faransiiska oo qeyb ka ah howlgalka Midowga yurub ee Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay badbaaadiyeen 10 Badmaaax oo ka soo jeeda wadanka India oo dooni kula degtay Xeebaha Soomaaliiya

Badmaaxiintan ay Doonida la dagtay ayaa Fariin Gargaar Dalbasho ah waxay u direen Ciidamada Badda ku sugan xeebaha ka dib markii doonidii ay wateen ay cilad soo wajahday ka dibna ay Biyaha gudaha u soo galeen.

Markab Dagaal oo ay Leeyihin Ciidamada Badda ee Faransiiska oo lagu magacaabo FS Surcouf ayaa ka jawaabay Fariinta Donta waxaana halkaasi laga soo badbadiyay 10 Shaqaale ah oo doonida la socday oo xaalad adag ku sugnaa.

Ciidamada Badda ee Faransiiska ayaa u sameeyay Badmaaxiinta la badbaadiyay Taageero Caafimaad waxaana ka dib lagu wareejiyay Markab laga leeyahay Wadanka Bulgeim oo ka mid ah Maraakiibta Shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dalkooda.

Badmaaxiinta Hindia ka soo jeeda ee la badbaadiyay ayaa u mahadceliyay Ciidamada Badda ee Midowga Yurub doorkii ay ka qaateen Badbaadintooda xilli ay khatar ugu jireen inaay baddu ku dhintaan.

Ciidamada Midowga yurub oo ma sheegin Halka Doonta Degtay ay ka timid iyo halka ay ku socotay waxaase keliya oo ay sheegeen in ay ka jawaabeen fariintaas gargaar dalbasho ee ka timid badmaxiinta.

SBC News Desk