Ciidamadii naafada xooga dalka ee ku sugan degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deeq gaarsiiyay dad barakacayaal ah oo soo gaaray degmada xamarweyne Todobaadyadii ugu dambeysay.

Deeq isugu jirta Raashin iyo waxyaabaha laga galo dhaxanta ayaa ay gaar siiyeen ciidanka naafada xooga dalka, dadkaasi barakacayaasha ah ee gaaray degmada Xamarweyne, waxaana ay yihiin dadkaasi dad ka soo barakacay abaaro ba’an oo ku habsatay goboladii ay ku dhaqnaayeen.

Deeqdan ay gaarsiiyeen ciidamada naafada xooga dalka dadkan barakacayaasha ah ayaa waxay tahay mid ay dhexdooda iska soo ururiyeen si ay  caawimaad un ula garaan dadkaa walaalahooda ah ee soo barakacay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidankaasi oo saxaafada la hadlay.

Hadaba Daawo Sawiradan

C/risaaq Sheekeeye
SBC International Muqdisho