Ciidamadaan Oo Tiradooddu Ay Kor Udhaafaysay Ilaa 200-Boqol Oo Askari Ayaa Waxaa  Ay Dhawaan Soo Gaareen Magalaadda Boosaso Ee Xarunta Gobolka Bari.
Cutubyadaan Oo Ka Tirsan Ciidanka Birmadka Puntland Ee Maanta La Soo bandhigay Ayaa Loogu Talagalay Sugidda iyo Xaqiijinta Amniga Magaaladda Oo Mudooyinkii Udanbeeyay ay ka dhacayeen falal amni darro Oo Intooda Badan Dhaca Xiliyadda Habeenkii Ah.

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Booliska Puntland Jen. Maxamed Siciid Jaqanaf Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Faah Faahin ka Bixiyay Ciidamadaasi iyo Waxaa Ay Qaban Doonaan.

Taliyaha Ayaa Sidoo Kale Ka Warbixiyay Rag Ay Ciidanka Amaanka Gacanta Ku Dhigeen Oo Lagu Eedeeyay iney ka Tirsanayeen Ururka All-Shabaab, kuwaas Oo Markii Danbe Dib Loo sii daayay Markii lagu waayay wax danbi ah sida uu sheegayo.

Waa Markii Ugu Horeysay Oo Ciidammo Ka Tirsan Kuwa Birmadka Puntlnad La Keenno magaaladda Boosaso, Si Ay Wax Oga qabtaan falalka Amni Darro Ee Ka dhaca Magaaladda Boosaso.

Dhageyso Warbixin:

SBC, News.