Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose sheegaya in dagaal uu ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada kaasoo geystay khasaare xooggan.

Dagaalka ayaa dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Juba kuwaasoo iska dilay dhowr Askari, Sida ay Warbaahintu Tabinayso.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalkaani uu ka bilowday markii ciidamada qaar isku dayeen inay qoreyga ka qaadaan askari kale balse uu ka madax adeygay sidaana rasaastu ku bilaabatay.

Warar kale ayaa sheegaya in arintu sidaan ka badalantay inkastoo aan faahfaahin dhaba laga heyn waxa keenay dagaalka xoogan ee ka dhacay xaagafo ka mid ah Somali star.

is rasaaseynta ciidamada Juba dhexdooda waxay ku soo aadeysa xili Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe Uu ku maqan yahay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Rasaasta ayaanna Hadda Joogsatay ayadoo Jawiga Magaalada Uu Haatan Daganyahay, Dib Ubilowdeen Isku socodkii gaadiidka iyo Dadka.