Laba ka mid ah Ciidamada Badda ee wadankaKenyaayaa lagu waayay Xeebta u dhaxeysa wadamada Kenya & Soomaaliya ka dib markii ay baacsi ku ahayeen Kooxo qafaashay haweeney Faransiis ah oo laga soo afduubtay Dhulka Dalxiiska eeKenya. 

Mid ka mid ah Masuuliyiinta Degmada Luma ee wadankaKenyaoo la yiraahdo Stephen IKua ayaa sheegay in laba askari lagu waayay howlgal la doonayay in lagu hareerayo Kooxda Haweneydaas haysatay.

Laba askari ee Kenyanka ah ayaa la waayay ka dib markii Dooni ay la socdeen 8 askari ay ku qalibantay Gudaha Bada taasi oo sababtay in lix ka mid ah la soo samatabixiyo halka labada kalena la waayay. 

Saraakiisha DowladaKenyaayaa sheegay inay weli wadaan baadigoobka Labada qof ee Ciidmada ka tirsan ee la wayaay waxaana ka qeybqaadanaya Howlgalka Baadi goobka Diyaaradaha helicopterka iyo Maraakiibta Ciidamada Badda . 

Dhinaca kalena kooxaha qafaalatada ee qabsaday Haweneyda Naafada ah ayaa la shegay inay ka baxdsadeen Deegaankii ay ciidamada Kenya Sheegeen inay ku hareereyeen waxaana ay la aadeen Deegaanka raaskamboni ee Koonfurta Soomaaliya 

Saraakiil sare oo ka tirsan Dowlada Kenyaayaa sheegay in ay uga shaki qabaan Weerarkan inay qeyb ka ahaayeen Kooxda Alqaacida ku xiran ee Alshabaab.

Waxaa si aad ah u sii kordhaya walaaca daran ee DowladaKenya ay ka qabto amaanka Xuduudeeda oo faraha ka sii baxaya iyadoo Mudooyinkan ay ka bilowdeen Afduub loo geysanayo Ajaanibta Dalxiiska Deegaanadaas u timaada.

Max’ed-Deeq Cabdalla
Mdeeq@allsbc.com