Ciidan ka tirsan Maamulka Puntland iyo gaadiid dagaal oo hubaysan ayaa maanta u socdaalay dhanka Gobalka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq, Oo Shalay Ay Gaareen Ciidammo Ka Tirsan Somaliland.

Ciidankan waxaa hoggaaminaya Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmed Muuse, waxayna kasoo Amba baxeen degmadda Dongorayo Oo Ka Tirsan Gobalka Nugaal.

Hogaamiyaha Ciidankan Gen. Muxyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta kula hadlay duleedka waqooyi ee Garowe ayaa sheegay sababta ay u aadayaan Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool ay tahay sidii looga ilaalin lahaa dhulka Puntland waxa uu ugu yeeray cadowga Maamulka Somaliland,

Mar Uu Ka Hadlayay inuu dhammaaday khilaafkii horay ugu Kala Dhex jiray isaga iyo Dowladda Ayuu Ka Gaabsaday inuu arrintaasi ka hadlo hase yeeshee waxa uu sheegay inuu maanta u taagan yahay sidii Puntland cadowga looga dhicin lahaa.

Docda Kale Deegaanka Tukaraq waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Amniga Xasan Cismaan Aloore waxana ka mid ahaa Taliyaha ciidanka Difaaca iyo saraakiil kale,Oo Xalay Ka Baxay Garowe.

Lama Oga Halka Ay Ku Danbeyn Doonaan Xiisadan Colaadeed Ee Dadka Deegaanadaasi Ay Ka Cabsi Qabaan Waxanna Dhinacba Dhinaca Kale Uu Ugu Hanjabayaa inuu Ka Awood Sareeyo, Sida Muuqata.

Daawo sawiradda:

1- 2- Cabdi-Yare-450x300

warbaahin

IMG_6765 IMG_6772 IMG_6798 IMG_6808 IMG_6842 IMG_6847IMG_6882 IMG_6880