Wararka Naga Soo Gaaraya Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay halkaas,

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa horay waxa uu Saldhig u ahaa Al Shabaab, ka hor inta aan laga qabsan Deegaanka Ceelasha Biyaha, sida ay sheegeen Dad Deegaanka ah.

Wararka Kale ee soo Baxaya ayaa sheegaya in  Qaraxa lala bartilmaameedsaday Gaadiidka ay leeyihiin Ciidamadda Midowga Afrika Ee AMISOM, hase ahaatee ilaa hada lama sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay Weerarkaasi.

Maaha Markii Ugu horeysay Oo Qarax Noocaan Oo Kala Ah Lala Beegsado Ciidamadda Amisom Ee Ku Sugan Deegaanka Ceelsha Biyaha Ee Ku Taalla Duleedka Muqdisho.

Ilaa iyo hadanna Ma Jidho Cid ka Hadashay Weerarka Ka dhacay deegaankaasi waxaanna La filayo masuuliyinta laamaha amaanka iyo maamulka Dagmadda iney faah faahiyaan qaraxaasi.

SBC, News.