Ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida ah ee ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo xarunta gobolka jubada Hoose ayaa lagu soo wamayaa in lagu dhex arkay gudaha Magaaladaasi oo ay gudaha u soo galeen .

Ilo wareedyo madax banaan oo ku sugan gudaha Kismaayo ayaa sheegay in wadooyinka waaweyn ee magaalada lagu arkay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya iyo Amisom iyaga oo ku socdaalaya gaadiidka dagaalka, waxayna fariisimo dhowr ah oo magaalada ku yaala kasameysteen goobo ay ka mid yihiin saldhigyada magaalada.

Afhayeenka ciidamada Amisom ayaa xaqiijiyay in ciidamada Amisom ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen aaga magaalada Kismaayo ilaa maanta balse waxa uu ka gaabsaday in ciidamada ay degeen saldhigyadii magaalada si buuxdana ay ugaleen magaalada.

Maalmihii uu dambeeyay tan iyo intii magaalada Kismaayo ka bexeen xoogaga xarakada Alshabaab ciidamada dowlada iyo kuwa kenyatiga ah ee ka tirsan Amisom waxay ku sugnaayeen affaafyada hore ee laga galo magaalad, waxaana saraakiishooda oo la hadlayay saxaafada sheegayeen in ciidamada xeelad dagaal ay ugu suganyihiin duleedka maadaama magaalada kismaayo ay tahay magaalo ay in badan dagaalo ka dheceen islamarkaana ay ku dambeysay gacantay xoogaga xarakada Alshabaab