Askar tiradoodu gaarayso 150 oo ka socda Puntland ayaa tababar dhanka ciidamada ah waxaa loogu qaaday dalka Ugandha kuwaasi oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe sida ay saxaafada u sheegeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Puntland.

Askartan ayaa tababarka qaadan mudo u dhaxaysa 6 ilaa 9 bilood waxaana la sheegay marka tababarku u soo dhamaado in ay dalka dib ugu soo laaban doonaan oo ay ka qayb qaadaan doonaan arimaha xasalinta amaanka.

Afhayeenka  Axmed Cumar  xirsi (Libaax Joore) oo saxaafada la hadley ayaa sheegayey in ciidamadan yihiin kuwii ugu horeeyey ee tababar loogu qaado dalka Ugandha taasi oo ku tilmaamay inay ku timid booqashadii dhawaan wafdi ka socda dawlada KMG Soomaaliya iyo midowga Afrika ay ku yimaadeen deegaanada Puntland gaar ahaan magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo isla markaana ay qiimeeyeen xaaladaha amaanka, waxaa kale oo uu afhayeenku sheegay in tani sidoo kale ku timid xiriirka Puntland & dawlada Soomaaliya oo meel wanaagsan maraya xiligan.

Tababarka loo qaaday ciidamadan ka socda Puntland ayaa ku soo aaday iyadoo sidoo kale ciidamo kale oo ka socda dawlad goboleedka Galmudug tababar loogu qaaday dalka Ugandha.

Shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dawlada KMG Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka waxay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen wax ka qabashada xaaladaha amaan ee dalka.

Deeqo Nuur Faarax (Bilan)
SBC International Gaalkacyo
deeqobilan1@hotmail.com