Sida ay ku waramayaan wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaano ka mid ah gobolkaasi oo ay ku sugnaayeen mudo laba maalin ah ciidamada Dalka Itoobniya ay maanta isaga bexeen halkaasi .

 

Sh Ismaaciil Macalin Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Ahlusuna ee deegaanka ayaa xaqiijiyay in gebi ahaan ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ay isaga bexeen deegaanadii ay maalin ka hor soogaleen ee ka tirsan gobolka Galgaduud.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee isaga baxay Maanta Galgaduud ayaa yimid 2 maalin ka hor halkaasi iyagoona u yimid sida ay wararku sheegeen dagaal deegaano ka tirsan gobolka uu ku dhexmaray maleeshiyo ku dhaqan deegaanka iyo koox la sheegay in ay ka tirsanaayeen Jabhada ONLF, waxaana halkaasi ay ka fuliyeen howlgalo aan ilaa iyo iminka la xaqiijin cid lagu qabtay,

 

Ciidamadan ka tirsan Dowlada Itoobiya ayaa Gobolka Galgaduud oo uu badi ka jiro Maamulka Ahlusuna waljameeca marar badan ku soo laalaabtay, waxaana aan jin cid ay ka amar qaataan soo galitaankooda gobolka iyo ka bixidooda.

 

Sikastaba ha ahaatee arintan ayaa maamulka Ahlusuna xaqiijiyay in ciidamadaasi aysan jirin cid ay ka amar qaataan islamarkaana uu gobolku u noqday goob markii ay rabaan soogalaan kana baxaan, ayna guul tahay hadiiba ay dadka rayidku ka badbaadaan, sida uu xaqiijiyay Sh Ismaaciil.

 

C/jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.