Ciidamo itoobiyaan ah ayaa gudaha u soo galay  Gobolka Bartamaha Soomaaliya ku yaala ee Galgaduud ka dib dagaalo qeyb ka mid ah gobolkaasi shalay uu ku dhexmaray ciidamo la sheegay in ay ahaayeen kuwa deegaanka iyo weliba kuwo taabacsanaa ONLF sida wararka lagu hayo.

Ciidamadan soo galay gobolka ayaa waxa ay kuhubeysanyihiin hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka oo gaaraya ilaa 8 gawaarida dagaalka ah .

Sh Ismaaciil Macalin Muusa oo ah Madaxa waxbarashada deegaanka Garjir ee Ahlusuna waljameeca ayaa SBC International u xaqiijiyay in ciidamadaasi ay soo galeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka islamarkaana ay xalay ku hoyden gobolka,

Waxa uu intaasi ku daray Sheeqa sida wararka lagu hayo in ciidamadaasi ay u yimaadeen gobolka in ay u kuurgalaan dagaalo halkaasi ka dhacay oo sida la sheegay ay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan Jabhada ONLF iyo kuwo ku sugan gobolka .

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidamada Itoobiya ka wadeen qeybo badan oo ka tirsan gobolkaasi Galgaduud halkaasi oo ay xuduud la leedahay  markii ay doontana ay soo galeyso kana baxeyso.

C/Jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.