Wararka laga helayo Degmada baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in halkaasi ay ka sii gudbeen Ciidamo gaaraya kun askari oo Ethiopian ah iyo gadiid dagaal kuwaasi oo ku wajahay Degmada garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Warar lagu kalsoonan karo oo ay SBC International ka heshay ilo wargal ah ayaa ku waramaya in ciidamadan iyo gadiidka Dagaal ee Ethiopianka ah ay duulaanku yihiin Ciidamada Alshabaab oo fariisimo ku leh Deegaanada Buurdhuubo iyo Baardheere.

Kunka askari ee Ethiopianka ayaa ah ciidan aad u qalabeysan oo wada gadiid dagaal oo farabadan waxayna isku biiri doonan ciidamo ka tirsan DKMG oo jooga Deegaanada Gobolka Gedo.

Saraakiil codsatay inaan magacooda saxaafada la hadlay ayaa sheegay in duulaanka ay ku qaadayaan deegaanada Alshabaab uu yahay mid ay doonayaan inay ku soo afjaraan dhaqdhaqaaqa shabaab ee Deegaanada Gedo iyo jubooyinka.

Ma jirto wax war ah oo alshabaab ka soo baxay oo ku aadan dulaanka ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa DKMG ku soo qaadayaan Deegaanada ay ka joogaan Gedo iyo JUbooyinka.

Deegaanada haatan xiisadooda ay taagan tahay ayaa horey waxaa dagaalo xoogan ay ku dhexmareen Ciidamada DKMG ee Soomaaliya iyo kuwa ahlusuna oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada alshabaab.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala Soco SBC International

SBC International Monitoring