Ciidamo Hor u dhac u ah ciidamada Wadanka Jabuuti ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxa ay gaareen magaalada Baladweyne xarunta gobolkaasi Hiiraan oo dhowaan aheyd magaalo ay la wareegeen gacan ku heynteeda ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiyaan ah.

Ciidamadani hordhaca ah ayaa waxa ay ka degeen Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaaladasi, si dhab ahna looma cadeeyn karo cadada ay dhanyihiin ciidankaasi .

Saraakiisha Maamulka DKMG ah ee Magaalada Baladweyne oo la hadlay SBC ayaa dulmaray in ciidankani ay yihiin kuwo aan sidaasi u tiro badneyn qaab hor dhac ahna ay ku yimaadeen magaalada .

Warar hoose oo aanu ka heleyno ilo wareedyo ku sugan magaaladaas ayaa sheegaya in ciidamadani la dejinayo halka lagu magacaabo Jenda kundisho oo dhanka bari kaga beegan magaalada .

Ciidamada Jabuuti ayaa ka mid ah howlgalka Amisom ee Midowga Afriga uu ugu soo dirayo ciidamada Dalka Soomaaliya waxaana lagu wadaa in dhowaan halkaasi ay ku soo dhameystirmaan ciidamada Jabuuti oo iyagu gobolka Hiiraan loo qoondeeyay.

C/casiis Okey
SBC International Garoowe