Ciidamo wata gaadiid dagaal oo culus kana soo goostey maamulka Somaliland ayaa maanta lagu soo dhaweeyey degmada Boocame ee gobolka Sool iyadoo ciidamadan ay ka soo goosteen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ciidamadan oo tiradoodu gaarayso 50 ayaa la soo sheegay inay wataan gaadiid dagaal oo ay ka mid yihiin gaari uu saaran yahay qori ZUU iyo waliba gaari kale oo baroon ah, waxaana ay sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada deegaanada Khaatumo State uu ku hayo maamulka Somaliland.

Ciidamadan ka soo goostey Somaliland ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu dambeeyey ee maamulkaasi ka soo goosta iyadoo arintan dhabar jab ku noqonayso siyaasada Maamulka Somaliland ee ku jihaysan deegaanada Khaatumo State dhawaan la dhisay.

DAAWO SAWIRADA