Wararka laga hellayo deegaannka Shilaabo oo ka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa xukuumada Itoobiya qabsadeen ku dhawaad 10-gaar oo sida ay wararku sheegayaan ahaa rakaab sida dad rayid ah.

Gadiidka la qabsaday oo ka tagay goballada bartamaha Soomaaliya ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa ay badeeco kala duwan u sideen qeybo ka mid ah dhulka Ismaamulka Itoobiya, waxaana ay ciidamadu sheegeen sida laga soo xigtay wadayaashii gadiidka in ay u heystaan falal dhinaca amaanka ah islamarkaana baaritaanno lagu sameyn doono.

Sida uu HOL u sheegay wariye jooga degmada Caabud-waaq ee goballka Galgaduud oo ay qaarka mid ah gadiidkana ka tageen, waxaa ay siteen gadiidka la qabsaday warqado aqoonsi ah oo ay u jireen maamulka Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee goballkaas, laakiin warqadahaasi ma noqon kuwo wax weyn ka tara xariga loo geystay.

Inta badan ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan dhulka Ismaamulka Soomaalida ayaa qabsada gadiidka ka baxa dhinaca goballada bartamaha Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeynaya falal la xiriira nabad-galyada, laakiin haddana baaritaan dheer kadib ciidamadu dib ay u fasaxaan gadiidka.