Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Xalay la wareegay Degmadda Toratorow Ee Gobolka Shabeeladda Hoose kadib markii ay halkasi isaga Baxeen Kuwa Al Shabab.

Ciidamadda Iskashanaya ayaa la wareegay Degmadda iyadda oo uusan Dagaal dhicin sida Gudoomiyaha Gobolka Shabelladda Hoose uu sheegay.

Al Shabab ayaa imminka kaga sugan Gobolka Shabeeladda Hoose Degmadda Sablale oo kaliya waxayna dhawaan Dhowr jeer ay isku dayeen iney Weerar xoogan kula Wareegan Deegaanadda Awdhiigle iyo Mubarak.

Ka Sakow Xaqiijinta Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Qabsashadoodda Degmadda Toratorow Ma Jidho Cid Kale Oo Ka Madaxbanaan Dhinacyadda Dirirsan Oo Xaqiijin Karta Cida Gacanta Ku Heysa Dagmadaasi,