Wasiirka Difaaca wadanka Uganda. Chrispus Kiyonga ayaa ku celiyay baaq ku saabsan in la taageero ciidamada Amisom ee Jooga Dalka Soomaaliya gaar ahaana magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ayaa hadalka jeediyay xilli la qorsheynayo in ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho la geeyo gobolada kala ee dalka ee ay dhawaan qabteen ciidamada Ethiopia.

Dowlada Uganda ayaa baqaan u dirtay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo oo sheegtay in Magaalada Muqdisho ay ciidamada amisom ka dhigeen Amaan islamarkaasina ay ka saareen xarakada alshabaab waxaana uu wasiirka Difaca sheegay si dadaalkaas loo sii wado in loo baahan yaay in la taageero ciidanka.

Dowlada Uganda oo ciidamada ugu badan ay ka jogaan soomaaliya ayaa soo dhaweysay in ciidamada Kenya iyo Jibuuti ay ku soo biiraan howlgalka amisom ee ka socda Casimada Dalka isaga oo ku tilmaamay balaarinta ciidanka inay tahay mid loo baahan yahay.

Dalabka Ciidamada amisom hadii laga jwaabo waxaa uu soo hormarinayaa in ciidamadooda loo Kaxeeyo Gobolada kala duwan ee dalka oo ay ka mid yihin magaalooyinka dhawaan laga qabsaday Shabaab.

Keyse C/rashiid Cismaan
SBC International Monitoring