Ciidamada Amaanka Syria ayaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen dhimashada 21 qof oo ku dhintay labo magaalo oo ka tirsan,magaalooyinka ay banaabaxyada xoogan  ee dalkaas ay ka socdaan.

15 kamid ah dadka dhintay ayaa waxaa ay Ciidamada Syria ku toogteen Magaalada Ximis,iyadoona 6 kale ay Ciidamadu ku dileen Magaalada Xumaat oo iyaduna ka tirsan Magaalooyinka ay banaanbaxyada xoogan ka socdaan ee wadankaasi Syria.

Dhimashada dadka rayidka ah ee banaabaxayay ayaa waxaa ay ahayd mid ku beegantay maalintii jimcaha,gaar ahaan banaabaxyadii loogu magac daray Jimcada midnimada.

Sarkaal sare oo ka tirsan Mucaaradka,laguna magacaabo Raa id Sayf ayaa Ciidamada Amaanka ay xabsiga u taxaabeen,waxaana si aad ah xariga ninkaasi u cambaareeyay axsaabta mucaaradka ee dalkaasi.

Wakaalada wararka Syria ee Sana ayaa laga soo xogtay dhimashada hal Askari iyo dhaawaca Afar kale,kadib markii ay kooxo hubaysan ku weerareen Magaalada Ximis oo kamid ah,magaalooyinka ay Ciidamada Amaanka toogashada ka gaysteen.

Dowlada Syria ayaan weli dhag jalaq usiin baaqyo fara badan oo loogu soo jeedinayo in ay wax kaga qabato dhibaatada ka dhalanaysa banaabaxyada sii baahaya ee dalkaasi.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.