WAR SAXAAFADEED 18 November 2012

Ciidamada amniga ee Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno muhiim ah oo ka tirsan Kooxda Al Shabaab iyo qaraxyo ay usoo wadeen magaaloyinka Puntland.

Ciidamada amniga Puntland oo helay xog ayaa shalay [17 Nov. 2012] howlgal ay ka fuliyeen magaalada Galkacyo gacanta ku dhigay Maxamud Nux

Aden (“Abu Xafsa”) ninkaasoo ah Madaxa kooxda dilalka iyo qaraxyada fulisa ee Al Shabaab (“Amniyaadka”), wuxuuna hore u ahaan jiray Madaxa Ilaallada

Axmed Cabdi Godane (oo la baxay Muqtar Cabdiraxman Abu Zubeyr).

Sidoo kale, ciidamada amnigu waxay gacanta ku dhigeen Cabdirizak Xuseen Tahliil (“Ilkacase”) oo ah Madaxa Saadka iyo Sahayda kooxda Al Shabaab

waxaana xilligii lasoo qabanayay xubnahaasi ay siteen walxaha qarxa oo kala duwan, sida:

• Jaakad diyaarsan oo loo isticmaalo isqarxinta;

• F1 bam-gacmeedyo; • Noocyada kala gedisan ee baaruuda qaraxyada (sida TNT, IWM); • Daasado ay ku jiraan qaraxyo diyaarsan; • Teleefanada gacanta iyo rimuutyo (remote controllers); • Filooyin iyo fiyuusyo (wires and fuses); • Saacado iyo Batariyo;

Sidoo kale, howlgal ay ciidamada amniga Puntland ka sameeyeen deegaanka

Buraan ee Gobolka Haylaan ayaa waxaa lagu soo qabtay 9-xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabaab kuna wajahnaa Buuralayda Golis iyo Magaalada

Boosaaso si ay uga fuliyaan falal argagaxisonimo, waxayna hey’adaha amnigu ku wadaan baaritaan dhamaystiran.

Waxay ciidamada amniga Puntland ku amaanyihiin dardarta amni-sugidda iyo

ka hortaga falalka argagaxiso ay damacsanaayeen kooxda Al Shabaab inay ku waxyeeleeyaan amaanka Puntland. Bilihii la soo dhaafay ayaa ciidamada

amniga Puntland waxay wadeen howlgalo isdabojoog ahi oo lagu xoojinayo amaanka gobolladda Puntland.

Sawiro