WAR SAXAAFADEED
16 December 2012

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay sahay u rarnayd
Buuraleyda Golis (aaga Galgala) iyadoo la xirxiray dadkii ku howlanaa
fududeynta howshaas.

Hey’adaha amniga Puntland oo helay xog ku saabsan sahaydaan kadib
ayaa gaari raran kuna sii jeeday Buuraleyda Galgala waxaa lagu qabtay
kontoroolka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland 13 Dec.
2012.

Sahayda la qabtay ayaa ka koobnayd: 40-jawaan oo ay ku jirto cunno
cayriin ah, sida bariiska, sonkorta, iyo burka; 11-kartoon oo ay ku jirto
baasto, saliid, kaluun gasac ku jira, iyo yaanyo; 1-jawaan oo ay ku jirto 48-
joog oo kabo ah; iyo 5-kartoon oo daawo isugu jirta faleebayaal, kaniiniga
anti-biotic, iyo irbado dhiig-joojin ah.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay darawalkii gaariga ahna
mulkiilaha gaariga, iyo iyadoo darawalka iyo xubno kale oo hore loogu
tuhunsanaa inay gacan ka gaystaan sahay siinta kooxda argagaxisada Al
Shabaab oo ku dhuumaalaysanaya Buuraleyda Galgala, iyadoo baaritaan
ku socdo dadkii falkaan lagu soo qabtay, sharcigana la horkeeni doono.

— DHAMAAD —

Sawirada