Raga la qabtay ee waday caruurtan oo labo ah ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo wateen gabdhahaasi gobolka shabeelada dhexe ee koonfurta Soomaaliya .

7da Gabadhood ee la qabtay ayaa waxaa la wareegay Wasaarada Haweenka puntland waxaana uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradaas c/qaadir Yuusuf in ay ku celin doonaan goobihii laga keenay.

“Labo nin ayaa gabdhaha waday, waxayna ka keeneen tuulada Xawaadley ee ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, qaabkii nimanka ay u wadeen ayaa ilaa hadda la baarayaa oo ciidamada ay ku howlan yihiin,“Arrinkaas waa mid jira, gabdhaha annaga ayaa haatan gacanta ku hayna, runtii arrintan ka ganacsiga dadka ayay la xiriirtaa.” ayuu sheegay Cabdiqaadir oo la hadlayay warbaahinta.

Ciidamada Amaanka ayaa ka qabtay ragan iyo caruurta yar yar ee ay wateen koontroolka koonfureed ee magaalada Garoowe iyagoo u dhaqaaqi lahaa dhanka gobolka Sool, waxaana ay qabteen ciidanka ka dib markii ay ka shakiyeen