Ciidamada Police-ka Magaalada Gaalkacyo oo Xabsiga dhigay Sariflayaal

Ciidamada Policeka Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa maanta howlgal ay ka fuliyeen suuqa sarifka magaaladaas ku xiray rag sariflayaal ahaa oo suuqa lacagta ku sarifayay

Sida ay xaqiijinayaan goob joogayaal ciidanka ayaa sharaqle yaal ku kaxeystay tiro dad ah oo aan la xaqiijin inta ay la egyihin kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada lacagta ka sarifta suuqa sarifka ee magaalada Gaalkacyo

Waxaa la sheegay in ciidanku u soo qabteen sarifle yaashan tuhun ku aadan in aanay joojinnin sarifka lacagaha faalsada ah oo ay ku dhexdarayaan lacagta caadiga ah sida ay goobjoogayaashaasi SBC u xaqiijiyeen

Mudooyinkii ugu dambeeyay Maamulka gobolka Mudug ee Puntland waxa uu ka digayay lacago faalso ah oo la sheegay in ay soogashay gudaha gobolka taas oo lagu soo farsameeyay gobolada koonfureed ee dalka.

Dhowr jeer oo  hore ayay ciidamada Policeka magaaladaasi soo qabteen lacagaha faalsada ah iyadoo maxkamad la horgeeyayna ku xukuntay in la gubo lana gubay shacabkana loogaga dilay in ay isticmaalaan.

Liibaan Qaran
SBC International Gaalkacyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print
NEWS IN ENGLISH
WARARKII