Cutubyo ka tirsan Ciidamada Police-ka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa lagu daadiyay wadada Km4 ee magaalada Muqdisho taas oo ah wadada ugu mashquulka badan deegaanada DKMG ah ay gacanta ku heyso .

Ciidamada Police-ka ayaa durbadiiba bilaabay in ay kala kaxeeyaan gaadiidka rakaabka ah ee halkaasi boosteejooyinka ka dhigtay iyagoona geynaya Barxado waaweyn oo dhinaca Airpot-ka kuyaala .

Sidoo kale ciidamada ayaa ku amraya gaadiidka wadadaasi maraya in si xowli ah ku maraan wadada iyagoona u jeedinaya digniin gaadiidka sida shaqsiga ah ay u leeyihiin shacabka in aysan istaagin wadada .

Taliska ciidamada Police-ka ayaa talaabadan ku tilmaamay mid ay ku sugayaan amaanka magaalada, waxayna tani ka dambeysay ka dib markii shalayto ay kulan wada qaateen ciidamada Amniga qaranka iyo Raiisul wasaaraha DKMG ah .

C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Xukuumada ayaa sheegay in suurto gal ay tahay in Alshabaab ay weeraro qaraxyo ah ka geystaan taas oo ay ku damacsanyihiin in ay uga aargudaan dilkii loo geystay hogaamiyihii Alqacida Usama binladin taasna uu sheegay in ay tahay in laga hortago oo si adagna loo adkeeyo amaanka .

Go’aamada ka soo baxay kulankaasi ayaa muuqaneysa in saaka ay ku dhaqaaqeen ciidamada Police-ka in ay amaan sugid ugu dhaqaaqaan goobaha istiraatijiga ah ee Muqdisho, iyadoona ay soconayaan howlgalo balaaran oo ay ciidanku wadaam.

Dhinaca kale gudiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha DKMG ah ee uu magacaabay gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah Shariif Xasan Sh Aadan ayaa sheegay in ay diyaarinayaan sanaadiiqdii Doorashada iyo sharuudaha laga rabo musharixiinta isusoo taagaya doorashooyinka .

Waxay Sheegeen in dhowan ay soo shaacbixin doonaan sharuudahaasi iyo qabashada araajida musharaxnimada xiliyada ay ku aadan yihiin .

Shaqada gudigan ayaa in badan ay ka taagantahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya madaxda sar sare ee DKMG ah taas oo ku aadan xiliga doorashada la qabanayo iyadoo DKMG ah madaxdeeda sida Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha ay qabaan in sanad ka dib ay dhaceyso doorashada halka gudigan iyo Gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah ay iyagu ku doodayaan in bisha August ee Sanadkan ay dhaceyso doorashada xilalka Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamanka .

Cali Maxamed Axmed Luckyman
SBC INternatioonal Muqdisho