Ciidamada Amniga ee Magaalada Boosaaso ayaa Manta waxay soo bandhigeen Maandooriyaal ay Xalay ku  soo qabteen Howlgalo ay ka sameeyen Gudah Magaalada

Maan doriyaashan ayaa waxay ahaayen Qamri Gaar ahaan nooca loo yaqaan Calaq oo laga sameeyo waxyaalo lasku geeyay waxaana lagu soo bandhigay  saldhiga Bartamah ee  Magaalada Boosaaso iyadoo halkaa ay goob jog ka haayeen Wasiirka Ku Xigeenka Amniga Puntland iyo Tliye ku Xigeenka Booliska Puntland.

Ugu horaytii Goobta ay Ciidamada Amniga ee Boosaaso ay ku soo Bandhigaayen Maandooriyahan ayaa Waxaa  halkaa Saxafda Uga War bixiyay Taliye Kugixeenka Booliska Puntland Maxuyadiin  Axmed  Muuse oo isagu sheegay in uu amaan balaaran u jeedinaayo dhamaan ciidamada Puntland meel walbay joogan gaar ahaan kuwo fuliyay hawlgalkan oo uu sheegay inuu yahya mid lagula dagaalamaayo maandooriyaha.

Muxudiin ayaa wax uu sheegay in ay waxyaalahan maandooriyah ah ay ka soo qabteen Xaafadah Suwayte iyo Xaafatul Carab  isagoo  dhanka kale tilmaamay in  ay ku soo qabteen Dadkii gadayay iyo kuwo Cabaayay .

Taliye ku Xigeenka Booliska ayaa wax uu sheegay in tirade ay ku soo qabteen ay wadar ahaan ay dhamaayeen 23 qof  (sadex iyo labaatan qof ) oo kala ah 11  Rag iyo 12. Dumar

Waxaana uu sheegay in ay soo taagi doonan Maxkamad isagoo sheegay inay ahaayeen dad aan waxana ula harin wanaaga diinta islaamka madaama ay ahaayeen dad aan isku banaanen hadan isku meel kuwada noolaa .

Sidoo kale waxaa halkaa goob jog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal oo isagu sheegay in uu u hanbalyeenaayo  Ciidamada Soo qabtay waxyaalahan isagoo sheegay in dhamaan amniga Puntland uu yahay mid wanaagsan ayana sii adkayndoonan haduu  EEBE yiraahdo

Cabdi Jamaal ayaa wax uu sheegay In Maandooriyah maanatay ay Ciidamadu soo Bandhigeen uu yahay Xumaanta Hooygiisa isagoo sheegay hadii la Wiiqiyo Inuu wanaagu wanaagsananayo

Dhanka kale waxa uu sheegay in Ciidamada amniga ay soo qaban doonan Qof walba oo lagu Tuhunsan yahay inuu keeno Qamri iyo Xashiish dalka

Ma ahan markii ugu horaysay ee Ciidamada Amniga Puntland ay soo qabtaan Maandiiriye  Gaar ahaan kuwa Magaalada Boosaaso .

Sawiro











Axmed Nuune
SBC International Boosaaso