Booliiska Dalka Nigeriaayaa sheegay inay gacanta ku dhigee Kabiru Sokoto oo dhawaan ka baxsaday gacanta ciidamada isaga oo lagu eedeynayo inuu ahaa ninkii ka danbeeyay weerar dhimasho badan sababay oo ka dhacay xarun Kaniisad ah oo ku taala Gudaha wadankaas.

ninkan la soo qabtay oo sidoo kale lala xiriirnayo inuu la shaqeeyo kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta wadanka Nigeria ayaa waxaa laga soo qabtay Deegaanada Bari ee wadanka gaar ahaan Gobolka Taraba.

Weerarka ninkan loo haysto inuu qeyb ka ahaa ayaa waxaa ku dhintay Dad aad u badan oo joogay xarunta kaniisada oo ku taalay Magaalada Abuja Xilli Dadka Gaalada ay xusayeen Maalinta Kirismaska.

Mr Sokoto waxaa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee dhacdadan loo soo xiro markii ay dhacday Bishii hore balse waxaa uu ciidamada ka baxsaday ka dib markii gadiid lagu waday ay soo weerreen maleeshiyaad Hubeysan.

Qaar ka mid ah saraakiisha uu ka baxsaday markii uu baxsanayay ayaa qaarkood shaqada laga cayriyay ka dib markii lagu eedeyay inay si ula kac ah u siidaayeen.

Dowlada Nigeria weli ma sheegin waqtiga rasmiga ah ee Maxkamad si toos ah loo soo saari doono Ninkaas waxaase ay xuseen baaritaano kale ay ku sameyn doonan Ninka haatan lahayo

Kooxda Boko Haram iyo dowlada Nigeria waxaa ka dhexeeya Dagaal xoogan oo la xiriira Hogaanka wadankaasi Boho haram waxay ku hanjabtay in dalka ay ku dhaqi doonto shareecada Islaamka.


SBC International Monitoring