Sida ay ku waramayaan Wararka ka imanaya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari kenya ayaa Sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay qarax, kaasi oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Militeriga Dowlada Kenya oo ku gooshayay wado ka agdhow goobta lagu magacaabo Harkaha iyo saamaha .

Qaraxaasi ayaa ahaa mid xoogan oo sida laga soo xiganayo dadka deegaanka khasaare u geystay ciidamada saarnaa mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee Militeriga Kenya oo uu qaraxu haleelay.

Ka dib markii uu dhacay Qaraxu Waxa lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee Soogala Mandheera iyo gudaha Magaaladaba Ciidan aad u tiro badan oo halkaasi ka sameeyay Howlgal aan ilaa iyo haatan la shaacin inta ay la egyihiin dadka lagu qabqabtay .

Mid ka mid ah Dadweynaha Dadweynaha Mandheera gaar ahaan ku sugan deegaan lagu magacaabo Lafta Mandheera ayaa SBC u xaqiijiyay in Xaalada Mandheera ay tahay Mid kacsan oo ay ciidamada Militeriga iyagoo xanaaqsan ay sameynayaan Howlgalo caro ku dheehantahay.

Sikastaba ha ahaatee ilaa iyo iminka ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Kenya kaas oo ku aadan Qaraxan maanta lala eegtay ciidamadooda, mana jiraan sidoo kale cid sheegatay qaraxa dhacay inkastoo loo maleynkaro in ay ka dambeeyaan xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo iyagu mudooyinkiii dambe dagaal kula jiray Ciidamada Kenya .

C/khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo.