Laascaanood– Banaan bax ka dhashay xariga nin wadaad ah oo ay xireen ciidamada Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Banaan baxani ayaa ay isgu soo bexeen dadka magaaladaas ka dib markii ay soo baxday xariga mid ka mid ah culimada magaaladaas oo ay ciidamada Somaliland xabsiga dhigeen waxaana ay dadkani u badnaayeen arday iyo Haween,

Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayay socod ku mareen dadkani iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah maamulka la baxay Soomaaliland, inkastoo markii dambe ay rasaas ku kala ceyriyeen ciidanka maamulkaasi .

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa wadaadka ay qabteen ku eedeeyay in uu ka dambeeyay falalkii qorsheysnaa ee lagu wax yeeleeyay qaar ka mid ah saraakiisha maamulkaasi ee ku sugan Laascaanood, iyo falal kale.

Sikastaba ha ahaatee wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi ay ku qulqulayaan ciidan tiro badan oo uu maamulka Soomaaliland halkaasi ku daabulayo, waxayna sida ay noo sheegeen ilo wareedyo halkaasi ku sugan xaaladu tahay mid aad u kacsan ayna dadku si aad ah uga caroodeen xariga wadaadka ay ciidamada Somaliland u geysteen.

Cali Cismaan Yuusuf
SBC International News Desk