Ciidamada Kooxda Maamusha wadanka Liibiya ayaa sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen mid kamid ah saraakiishii Maamulkii Col Gaddafi gaar ahaana sarkaalkii ugu qaabilsanaa Dowlada Qadaafi Arimaha Sirdoonka Mr.Abdullah al-Sanussi

Saraakiisha Kooxda NTC ayaa sheegtay inay Sarkaalkan ka soo qabteen Koonfurta wadanka Liibiya inkasta oo aynan jirin sawir muujinaya in Abdullah al-Sanussi la qabtay ama uu gacanta u galay oo la soo bandhigay.

Mr Sanussi, waxaa uu maamulkii la riday ee wadanka liibiya ka ahaa sarkaalka sirdoonkaa ugu qaabilsanaa isaga oo sidoo kalena ahaa ina adeerka MAdaxweynihii wadankaasi oo ay dileen kooxaha Maleeshiyada NTC

Mr Sanussi,oo ah 62 sanno jir waxaa si aad ah u doondooneysa Maxkamada Danbiyada Dagaalka ee ICC waxaana lala xiriirinayaa isaga iyo qaar kamid ah saraakishii Maamulkii Qadaafi inay geyteen danbiyo ka dhan ah xuquuda Biniaadamka.

Dhinaca kalena Saif al-Islam oo ay ciidamada NTC gacanta ku soo dhigeen maalintii Jimcaha ayaa waxaa su’aalo lagu weydiiyaya Goob qarsoon oo ku taala Magaalada Zintan ee wadankaa Liibiya.

Sarakiisha Golaha NTC ayaa sheegay in maxmuuska Waa Saif Al-islam ay si fiican ula dhaqmeen iyada oo lagu hayo guri gaar ah waxaana sidoo kale loo geeyay Maalintii shalay dhaqtar hubiya caafimaadkiisa bacdamaa uu dhaawac ka qabo gacanta midig.

Maamulka Liibiya iminka maamula ayaa ku adkeysanaya in ay hogaamiyahan ku maxkamadeyn doonan gudaha wadanka Liibiya wallow Beesha Caalamka ay ku dhaliileyso Dalkaasi inuusan awoodin inay dadkan lahayo siiyaan Xukun Cadaalad ah.

Casiiso Muuse C/kariin
SBC International Monitoring