Ciidamada Dowlada Kenya ayaa ku eedeeyay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab weeraro bambaano oo maanta lagula eegtay ciidamo ka tirsan Police-ka Mombasa xili ay howlgal u tageen guri duleedka ka xiga Magaaladaaas.

Ka dib howlgal baaritaan oo guri ku yaala duleedka Mombasa ay u tageen ciidanka Police-ka Mambasa ayaa waxaa dhacay weerar loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ciidanka lagu soo qaaday waxaana weerarkaasi ku geeriyooday 2 nin oo loogaga shakisanyahay in ay ka mid ahaayeen kooxaha weerarka sooqaaday.

Guriga ay ciidanku weerareen ayaa lagu sheegay in lagu kala gadanayay hub iyadoo halkaasina sida ay sheegen ciidanku ka soo qabteen hub u badan noocyada fud fudud.

Qaar ka tirsan ciidamada Police-ka ayaa ku dhaawacmay weerarkaas iyadoo 3 ka mid ah dhaawacyadaasi ay yihiin kuwo culus oo halis ah.

Weeraradan ayaa noqonaya kuwo xiriir ah oo gudaha dalkaaasi Kenya ka dhacayay mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana dowladaasi Kenya ay dusha u saariyaan weeraradaasi xoogaga xarakada Alshabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya.