ciidamdaa Kenya ee ku sugan Magaalada Mandheera ayaa waxay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqii dhinacyada badan lahaa ee ay la laheyd degmadaasi degmada Baladxaawo ee gobolkaasi Gedo .

qaar ka mid ah ganacsatada ku nool magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo la hadlay xafiiska SBC International ee gobolkaasi waxa ay u sheegeen in dhacadani ay tahay mid ay walaac xoogleh ka muujinayaan dhinaca ganacsigooda .

Ciidamada Kenya aya la sheegay in ay xireen dhaq dhaqaaqyadaasi ka dib markii ay maalmihii aynu soo dhaafnay qeybo ka mid ah gobolka ka dhacayeen qaraxyo lala eeganayo ciidamada Keenyaatiga ah ee halkaasi ku sugan.

Sidookale dhinacyada waxbarashada ayaa arintani walaac laga muujiyay maadaama ardayda Baladxaawo ay badigood waxka bartaan iskoolo ku yaala Mandheera .

Magaalooyinka Mandheera iyo Baladxaawo waa magaalooyin uu ka dhexeeyo xidhiidho dhinacyo badan leh kuwaasi oo ku aadan arimaha waxbarashada Ganacsiga iyo weliba isu socodka gaadiidka iyo dadkaba.

C/Khadar Maxamed Siraad
SBC International Gedo