Ciidamada Dowlada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne xarunta gobolka hiiraan ayaa wada howlgalo xoogan oo ay ku doonayaan in ay ku soo qabqabtaan rag ka dambeeyay qarax saaka halkaasi ka dhacay kaas oo lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiyaanka.

Inkaastoo aanu qaraxaasi geysan wax qasaare ah ayaa hadana waxaa uu ahaa mid xoogan oo siweyn looga maqlay deegaanada galbeed ee magaalada .

Ilaa iyo iminka ma jiraan cid loo soo qabqabtay qaraxa lala eegtay ciidamada Itoobiyaanka balse wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah Howlgalkooda ay dad ku qabqabteen ulana dhaqaaaqeen fariisimahooda.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii magaalada baladweyne ay galeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida waxaa soo kordhayay weerarada Bambaano ee lala eeganayo ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida waxaana tani ay noqoneysaa kii ugu dambeeyay inkastoo aan khasaare ka dhalan.

C/casiis Okey
SBC International Garoowe