Ciidamada Dowlada Dalka Itoobiya ee u sugan gudaha magaalada Baladweye xarunta gobolkaasi Hiiraan ayaa la soo sheegaya ain ay ku qabqabteen dad ay u badan yihiin dhalinya kuwaasi oo ay ku tuuhmeen in ay wadeen fall aaan daro .
Howlgalada Ciidamada Itoobiyaanka ahi ay ka sameeyeen gudaha Baladweyne ayaa waxa ay ka dambeeyeen ka dib falal qaraxyo iyo weeraro ah oo ciidamadaasi loogu geystay maalin nimadii shalay wadada u dexeysa Janda kundiyo iyo Baladweyne.
Dadka ay howlgalada ku qabqabteen ciidamada Dowladaaasi Itoobiya ayaa waxay ula dhaqaaqeen fariisimadooda ay ku leeyhiin magaaladaasi.
Inkastoo aan la aqoon tiradooda dadka ay qabqabteen ciidamada Itoobiya ayaa hadana waxaa ay sheegen dad goob joogayaal ah in ciidamada iyagoo wada dhalinyaro tiro badan ay ula dhaqaaqeen fariisimahooda.
Ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay maamulka DKMG ah ee halkaasi ka jira kaasi oo lagu faah faahinayo qab qabashada ciidamada Itoobiyaanka ah ka sameeyeen Baladweyne, balse waxa xiligaan oo kale bilaabma wada hadalo ciidamada itoobiyaanka ah ay la furaaan odayaasha kuwasi oo lagu doonayo in lagu soo siidaayo dhalinyarada ay ciidamadu qabqabteen.
Maalin nimadii shalay ayay aheyd markii qarax aan wax qasaare ah geysan lala eegtay ciidamada Itoobiya iyadoo ay jiraan weeraro kala duwan oo ay geysanayaan kooxo aan hebtooda la aqoon balse ciidamada itoobiya iyo kuwa DKMG ah ay ku sheegayaan in ay ka dambeeyaan xarakada Shabaab Almujaahidiin.
C/casiis Ok
SBC international Garoowe