Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah ee ku sugan magaalada Baladweyne xarunta gobolkaasi hiiraan ayaa la sheegayaa in ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul duulan dagaal oo lagu qaado deegaanka Buuloburde ee isla gobolkaasi.

Sida ay ku soo waramayaan ilo wareedyo la isku haleyn karo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dooxada Shabeele ayaa muujinaya duulaan ay ugu ruqaansanayaan dhanka Deegaanka Buulo burde halkaasi oo ay ku sugan yihiin xarakada Alshabaab oo horay ay ciidamadani uga qabsadeen magaalada Baladweyne.

Dhinaca Magaalada Buulobade wararka ka imanaya ayaa sheegaya in ay dadka ku dhaqani muujinayaan cabsi xoogleh oo ay ka qabaan dagaalo halkaasi ku dhexmara labada dhinac waa ciidamada la sheegay in ay halkaasi ku siijeedaan iyo kuwa Xarakada Alshabaab.

Dadka qaarkii ayaaba sameeyay barakac iyagoona beegsanaya deegaano dhinaca galbeed ka jira magaaladaas, waxayna u badanyihiin dadka barakacay kuwa ku dhaqan xaafadaha ku dhow wadada laamida ah ee dhanka baladweyne kaga soo gasha Buuloburde.

Wararkii ugu dambeeyay ee ku soo dhaca warqabadka SBC ee Garoowe waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dooxada Shabeele ay xalayto ku guureeyeen deegaano ay ka mid yihiin Garasyaani iyo Baardheeere oo dhanka koonfur bari kaga beegan magaalada Baladweyne.

Sikastaba ha ahaatee wararka ayaa intaasi ku daraya in xarakada Alshabaab ay difaac ka xirteen muundo kala qeybisa magaalada Buuloburde islamarkaana ay sheegeen in ay dagaal la gali doonaan cidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dooxada Shabeele.

C/casiis Ok
SBC International Garoowe